Dawlada Sweden ayaa ku dhawaaqday inay dhisaysa hay’ad sirdoon oo ka howlgalaysa dibadda, taasoo la sheegay inay yeelanayso hannaanka iyo awoodda la mid ah hay’adda sirdoonka dibadda Ingiriiska ee MI6.
Dawlada Sweden ayaa ujeeddada hay’adan cusub ee sirdoonka dibadda u howlgelinayso ku sheegtay in nidaamka sirdoon ee hadda jira uusan ku filnayn saadaalinta iyo la socodka khataraha ka imaanaya dibadda, sida uu weriyay wargeyska The Economist.
Hay’adda cusub ayaa la qorsheeyay inay si rasmi ah u bilowdo shaqadeeda bisha Jannaayo 2027, taasoo loo bixiyay Utrikes underrättelsetjänsten (UND).
