Iran oo Beenisay iney Duqeysay Maraakiib ku Sugnaa Deked ku taala Masar

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi, ayaa maanta si adag u beeniyay eedeymo sheegaya in dalkiisa uu ku lug lahaa weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday laba markab oo ku sugnaa deked ku taalla dalka Masar.

Araqchi ayaa sheegay in dowladda Iiraan aysan wax xiriir ah la lahayn weerarkaasi, isagoo ku tilmaamay eedeymaha loo jeediyay Tehran kuwo aan sal iyo raad lahayn. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Iiraan aysan door ku lahayn falalka lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta ganacsiga ama goobaha rayidka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku andacooday in weerarkaasi uu ahaa waxa loo yaqaan “False Flag Operation”, isagoo ku eedeeyay Israa’iil inay ka dambeysay qorshahaas. Ereyga “False Flag Operation” waxaa loola jeedaa weerar ama hawlgal la fuliyo iyadoo loo ekaysiinayo inuu geystay dhinac kale, si loogu abuuro cudurdaar siyaasadeed ama militari ama loogu jeediyo eedda cid kale.

Araqchi ayaa sheegay in ujeeddada, sida uu hadalka u dhigay, ay tahay in Iiraan lagu eedeeyo weerarro aysan wax lug ah ku lahayn, isla markaana loo abuuro cadaadis siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Tehran.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo caalami ah si loo ogaado cidda dhabta ah ee ka dambeysay weerarka lagu qaaday labada markab, iyagoo sheegay in natiijo kasta oo baaritaan ahi ay tahay inay ku saleysnaato caddeymo la xaqiijiyay, halkii lagu degdegi lahaa eedeyn siyaasadeed.

Dhanka kale, ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Israa’iil oo ay kaga jawaabtay eedeymaha uu jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan. Sidoo kale, lama soo bandhigin caddeymo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Iiraan ee ah in Israa’iil ay ka dambeysay weerarka.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ay weli tahay mid sareysa, iyadoo labada dal ay isweydaarsadaan eedeymo ku saabsan weerarro iyo falal amni oo ka dhaca gobolka Bariga Dhexe. Khubarada siyaasadda ayaa sheegaya in dhacdooyinka noocan oo kale ahi ay sii adkeyn karaan dadaallada lagu dejinayo xiisadaha gobolka, gaar ahaan haddii aan la helin baaritaanno hufan oo lagu xaqiijinayo cidda ka dambeysay weerarrada.