Saturday, August 1, 2026

Dagaal Culus Oo u Dhaxeeya Ciidanka Itoobiya iyo TPLF Oo ka Socda Gobolka Tigray.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dagaal u dhaxeeya ciidanka Itoobiya iyo TPLF ayaa saacado badan ka socda galbeedka gobolka Tigray, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay TPLF lagu sheegay inay ciidanka dawladda Itoobiya fureen jiho cusub oo dagaal.

Warka kasoo baxay TPLF ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay billaabeen dagaal muddo la diyaarinayay oo ujeedkiisa ay ku sheegeen dawladda Itoobiya inay doonayso inay meesha ka saarto jiritaanka TPLF, waxayna ku baaqeen beesha caalamka inay la socoto cawaaqibka dagaalkan ka dhalan kara.

Telefishinka Faransiiska ee France 24, ayaa xaqiijiyay ciidanka dawladda Itoobiya inay adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo taangiyo.