Wasiirka Maaliyadda Israa’iil Oo soo Jeediyay In Dadka Yhuuda Lagu Beero Qasa Ama Lagu Deegaameeyo.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich ayaa waraysi uu maanta bixiyay, wuxuu soo jeeday in Israa’iiliyiin lagu beero gudaha Qasa oo halkaa lagu deegaameeyo ,meeshana laga saaro lahaanshaha dhul ee Falastiiniyiinta.

Wasiirka arrintan ka hadlaya wuxuu yiri; “Aniga ahaan, guul dhab ah waxay ka dhigan tahay in laga dhiso degsiimooyin Israa’iili ah gudaha marinka Qasa.”

“Waa in la helaa ciqaab ama cawaaqib loo baahan yahay in la bixiyo oo la xiriira khaladkii dhacay iyo jabkii ay cadowgeenna na gaarsiiyeen.”

Wuxuu intaa ku daray;“Qofkii geystay weerarkii ugu xumaa ee nagu dhacay tan iyo Holocaust-ka waa inuu waayaa dhul uu haysto.

Taas ayaa ah qiimaha la bixinayo. Tani waa fariinta keliya ee ay fahmayaan cadowgeenna.”