iraan ayaa shuruudaha ay dib ugu furayso marin-biyoodka Hormuz ku soo dartay joojinta weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.
Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Jen.Xuseen Mohebi ayaa sida ay maanta baahisay wakaaladda waraka Iiraan ee Fars , wuxuu sheegay in shuruudaha Iiraan ee dib loogu furi karo Hormuz iyo soo afjaridda xaaladda hadda jirta ay ka mid yihiin:
1-In dagaalka gebi ahaanba la joojiyo.
2-In la joojiyo hanjabaad kasta oo cusub oo loo jeediyo Iiraan.
3-In ciidamada Israa’iil ay ka baxaan Lubnaan.
4-In la soo afjaro go’doominta Yemen.
5-In Iiraan loo fasaxo 23 bilyan oo doollar oo ka mid ah hantideeda la xannibay.
6-In aan la faragelin barnaamijyada iyo awoodda nukliyeerka iyo gantaallada Iiraan.
