Ruushka Iyo Sacuudiga Oo ka Wada-hadlay Xiisada Iran, Iyo Imaaraadka Oo la Kulmay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa Khamiistii wacay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, si uu u xoojiyo dadaallada siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka.

“Wadahadalkan taleefanka, labada dhinacba waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha iyo xoojinta dadaallada siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed si loo gaaro heshiis waqti dheer ah si loo xalliyo khilaafka,” ayay Kremlin ku tiri hadal ay soo saartay.

Sida ay sheegayaan wararka, Vladimir Putin iyo Mohammed bin Salman, ayaa sidoo kale ka wada hadlay “dhibaatooyinka la xiriira wax soo saarka tamarta iyo isu socodka oo ay sababeen dhibaatada ka socota Bariga Dhexe, taas oo si xun u saameysa amniga tamarta adduunka”

Waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen “muhiimadda iskaashiga wadajirka ah ee lala yeesho Ruushka iyo Sacuudi Carabiya iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka OPEC+ si loo xasiliyo suuqa saliidda adduunka”

Qiimaha saliidda ayaa Khamiistii kor u kacay ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku hanjabay in weerarro culus lagu qaadi doono Iiraan, taasoo wiiqday rajadii laga qabay in xiisadda la dejiyo.

Tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerareen Iiraan oo ay xireen Marinka Hormuz, qiimaha shidaalka wuxuu ahaa mid sii kordhaya.

Imaaradka oo maanta weerar la kulantay

Waxaan helnay war cusub oo ka yimid Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka,taas oo sheegtay inay “la tacaaleen” 19 gantaal iyo 26 diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo maanta laga soo tuuray Iran.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ku sheegtay qoraal ay ku daabacday X in tan iyo markii dagaalku bilaabmay, difaacyada cirka ee Imaaraadka ay ka hortageen qiyaastii:

457 gantaallo ballistic ah iyo 2,038 drones

Tani waxay muujinaysaa baaxadda weerarrada joogtada ah iyo sida ay Imaaradka u adeegsato nidaamyadeeda difaaca si ay uga hortagto hanjabaadaha cirka.