Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Ismaaciil Baqaa’i, ayaa waxyar ka hor u sheegay telefishinka Iiraan in qaar ka mid ah dadalka Yurub ay u xaqiijiyeen inaysan ka qayb-galidoonin dagaal kasta oo lagu qaado Iran.
Afhayeenka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yiri:-“24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan helnay wicitaanno badan oo nooga yimid Ingiriiska, Bulgaariya iyo Ukraine. Dhammaantood waxay noo sheegeen inaysan ka qayb geli doonin dagaal kasta oo ka dhan ah Iiraan.”
Kusimaha wasiirka difaaca ee Iran ayaa carrabka ku adkeeyay in marka laga eego dhinaca Jamhuuriyadda Islaamiga ah, “hanjabaad kasta ay tahay hanjabaad dhab ah.”
Majid Ibn Reza ayaa ku qoray bartiisa X, isaga oo aan si toos ah u xusin hanjabaadihii dhowaan uu Donald Trump ka jeediyay ee ku saabsanaa weerarro culus oo lagu qaado Iran: “Inkasta oo hadallada cadowgu ee dhowaan ay ku yimaadeen qaab hawlgallo nafsiyeed iyo dagaal xisaabeed ah, haddana marka laga eego dhinacayaga, hanjabaad kasta waa hanjabaad dhab ah oo muhiim ah.”
Wuxuu intaas raaciyay: “Annagu ma lihin wax yaab ah mana nihin kuwo iska fadhiya; waxaan hanjabaadda uga dhiganaynaa saldhig aan ku kordhinno diyaargarowgayaga, ku xoojino awoodda naga celisa weerarrada, isla markaana aan ku horumarino awooddeena.”
