Koox dablay hubaysan ayaa deegaanka Aasha Caddo,ee drgmada Saylac caawa ku gubay Baabuur dad shacab ah siday, sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan deegaankaas.
Warar is khilaafsan oo kasoo baxay dhacdadan ayy markii hore lagu sheegay in miino lagu dhuftay gaariga balse waxaa hada la xaqiijiyey in baabuur la gubay.
Sidoo kale dablaysan lagu tuhunsan yahay Beesha ciise ayaa isla goobta ka Afduubtay, Saddex baabuur oo loo galay jidka dooxa Waraabood, kuwaasi oo rakaabkii saarnaa qaaarkood dhaawac la gaadhsiiyey, kuwii kalana laga dajiyey baabuurtii ay saarnaayeen.
Sikastaba ha noqotee waxa hada dhinaca magaalada Jabuuti loo qaaday shan qof oo dhaawac ah.
Muuqaalka Gaariga la Gubay
