Gudoomiyihii Gobolka Mudug oo Lagu Dhaawacay Dagaalka Gaalkacyo

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Cabdinaasir (Mareexaan), ayaa ku dhaawacmay dagaal hubeysan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo beeleed ku sugnaa xero ku taalla Koonfurta magaalada.

Sida lagu soo waramayo, dagaalka ayaa ka bilowday kaddib markii rasaas ay lahayd Dowladda Soomaaliya ay si lama filaan ah u dhaceen ciidamo beeleed, kuwaas oo markii dambe rasaastaas geeyay xero ay ku lahaayeen gudaha magaalada Gaalkacyo.

Rasaastan oo ku rarneyd labo gaari ayey DFS ka dejisay garoonka Dayuuradaha Koonfurta Gaalkacyo, waxaana la qorsheynayey in loo gudbiyo Woqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay joogaan ciidamo taabacsan DFS oo ka soo jeeda Puntland. kuwaasoo dowladu ay siiso Mushahar, iyadoo Maamulka Madaxweyne Deni uu si weyn u diidan yahay Ciidankaas.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xooggan, waxaana ciidamada Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen xeradaasi, halkaas oo ay iska hor imaad hubeysan ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidanka beeleedka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay is-weydaarsadeen rasaas xooggan, taas oo sababtay khasaare kala duwan, waxaana dagaalka uu saameeyay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo, iyadoo dadka deegaanka ay dareemeen cabsi iyo walaac.

Inta uu socday iska horimaadka ayaa waxaa ku dhaawacmay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdinaasir (Mareexaan), inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin xaaladdiisa caafimaad iyo goobta lagu dabiibayo.

Saraakiil ka tirsan dhinacyada dagaallamay ayaa weli ka hadlin faahfaahinta khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana cadda tirada dhimashada iyo dhaawacyada soo kala gaaray labada dhinac.

Xiisadda ka taagan Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada ay horey uga jireen xaalado amni iyo khilaafaad la xiriira ciidamo kala duwan oo ku sugan deegaanka, kuwaas oo mararka qaar sababa isku dhacyo hubeysan.

Maamulka Galmudug iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dagaalka iyo tallaabooyinka lagu xallinayo xaaladda ka taagan magaalada Gaalkacyo. Dowladda iyo odayaasha deegaanka ayaa la filayaa inay dadaallo ku bixiyaan dejinta xiisadda iyo sidii loo joojin lahaa dagaalka.