Meydka xildhibaan caan ahaa oo u dhashay dalka Bangaladesh kana tirsanaa xisbiga talada haya ee dalkaasi, ayaa laga helay guri kuyaalla magaalladda Kolkata ee gobalka West Bengal ee dalka Hindiya.
Xildhibaan Anwarul Azim Anar oo 56 jir ah oo socdaal ku joogay dalka Hindia ayaa la helay meydkiisa oo la jar jaray si xuna loo dilay, waxaana xildhibaanka la waayay 13-kii bishan May xilli uu aaday dhaqtar uu la ballansanaa.
Booliiska dalka Hindia oo maqnaashaha xildhibaanka lagu wargaliyay ayaa howlgallo baaritaanno ah ay sameeyeen ugu dambeyn meydka xildhibaanka ka helay dhismo dabaq oo kuyaalla magaalada Kolkata.
War kasoo baxay booliiska ayey ku sheegeen in sidoo kale ka heleen qeybo kamid ah jirka xidhibanaka oo la jar jaray haan laga dhisay dhulka hoostiisa, waxaa sidoo kale guriga laga helay dharka uu xildhibaanka watay.
Baarayaal katirsan booliiska dalka Hindia ayaa bilaabay baaritaanka kiiska dilkan aadka looga argagaxay, waxa ayna booliiska xireen kawaanle u dhashay dalka Bangaladesh oo la sheegay in sharcidarro ku joogay dalka Hindia.
Booliiska dalka Bangaladesh ayaa sidoo kale sheegay in la xiray saddex qof oo kale oo lala xiriirinayo kiiska dilka ah ee loo geestay xildhibaan Anwarul Azim Anar, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan sababta loo dilay xildhibaanka.
Dowladda Bangaladesh ayaana si kulul u cambaareysay dilka loo geestay xildhibaankan oo saddeex xilli oo kala duwan lasoo doortay, waxa ayna dowladda sheegtay in caddaaladda la horgeyn doono kuwii ka dambeeyay dilka xildhibaanka.