Thursday, August 6, 2026

Ex Madaxweyne Ruuxaani Oo ka Hadlay kooxo Mayal Adag Oo Raba In sii Huriyo Dagaalka Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynihii hore ee Iiraan, Xasan Ruuxaani ayaa maanta sheegay in gudaha Iiraan ay ka jiraan kooxo mayal adag oo aaminsan in sii hurinta dagaalladu ay dedejin karto soo bixitaanka Mahdiga.

Ruuxaani ayaa sheegay in fikraddan aysan ahayn mid cusub, balse ay soo jirtay tan iyo sannadkii 2004. Wuxuu xusay in hoggaamiyihii sare ee Iiraan, Cali Khamenei oo lagu dilay weerar ay horraantii sannadkan fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil,uu u sheegay in qof uu u soo jeediyay in fagaaro weyn laga dhiso magaalada Tehran, si loogu diyaariyo goob uu Imaam Mahdi khudbad uga jeediyo marka uu soo baxo.

Sida uu Ruuxaani sheegay, qorshahaas waxaa xitaa lagu talinayay in lagu rakibo nidaam cod-baahiye oo gaari kara dhammaan dadka ku nool caasimadda Tehran.

Ruuxaani wuxuu sheegay in Cali Khamenei uu xilligaa diiday soo jeedintaas, isagoo ku dooday in aanay cidina ogayn waqtiga uu Imaam Mahdi soo bixi doono, isla markaana ay suurtagal tahay in arrintaasi dhacdo boqollaal sano ka dib. Sidaas darteed, ayuu sheegay, ma habboona in qorshayaal lagu saleeyo wax aan la hubin.