Quwadaha Islaamka ee Boqortooyada Sucuudi Careebiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si rasmi ah u saxiixday heshiis difaac oo dhigaya; in haddii mid ka mid ah la soo weeraro ay labada kale difaacaan, heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada barakaysan ee Makka ayaa loo bixiyey; Heshiiska Makka — tan oo ka dhigan qadarin heersare ah oo ay isu hayaan dalalkan.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa xaqiijiyay in heshiiska la saxiixi doono, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin qodobbada uu ka koobnaan doono. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in heshiiska uu diiradda saari doono xoojinta iskaashiga ciidamada, isdhaafsiga xogaha sirdoonka, tababarrada ciidamada, horumarinta warshadaha difaaca iyo iskaashiga la xiriira tiknoolajiyadda milatariga.
Sida ay Reuters sheegtay, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan Field Marshal Asim Munir ayaa magaalada Jeddah kula kulmi doona Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Mohammed bin Salman. Inta lagu guda jiro kulankaas ayaa la filayaa in hoggaamiyeyaashu ay si rasmi ah u saxiixaan heshiiska cusub, kaas oo lagu tilmaamay mid sare u qaadaya iskaashiga istaraatiijiga ah ee saddexda dal.
Turkiga ayaa muddooyinkii dambe si weyn u ballaariyay warshadaha difaaca, isagoo noqday mid ka mid ah dalalka sida xawliga ah u horumarinaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), gaadiidka gaashaaman, maraakiibta dagaalka iyo qalabka kale ee casriga ah. Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda wadday qorshe ay ku yareynayso ku tiirsanaanta hubka dibadda laga keeno, iyadoo maalgashi xooggan ku sameynaysa soo saarista qalabka difaaca gudaha dalka. Pakistan-na waxay leedahay khibrad ballaaran oo dhinaca ciidamada ah, waana dalka keliya ee Muslim ah ee leh hub nukliyeer, taas oo siinaysa miisaan istaraatiiji ah oo gaar ah.
Heshiiskan ayaa imanaya xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xaalado amni oo isbeddelaya. Dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka, gaar ahaan colaaddii u dhexeysay Iran iyo Israa’iil iyo saameyntii ay ku yeelatay dalalka deriska ah, ayaa muujiyay nuglaanshaha amniga Khaliijka iyo halista ku wajahan marinnada muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah. Xiisadahaasi waxay sidoo kale saameeyeen isu-socodka shidaalka iyo badeecadaha kale ee mara Marinka Hormuz, oo ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee dhoofinta shidaalka dunida.
Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegeen, wadaxaajoodyada heshiiskan ayaa socday ku dhowaad hal sano, iyadoo saddexda dal ay ka shaqeynayeen sidii loo dhisi lahaa hannaan iskaashi oo joogto ah oo ka jawaabi kara caqabadaha amni ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Heshiiska ayaa la filayaa inuu abuuro qaab cusub oo ay dalalkan isaga kaashanayaan qorsheynta howlgalada difaaca, tababarrada wadajirka ah, la dagaallanka argagixisada, ilaalinta amniga badda iyo horumarinta awoodaha farsamo ee ciidamada.
Falanqeeyayaasha arrimaha amniga ayaa aaminsan in heshiiskan uu xoojin karo doorka Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ee amniga gobolka, isla markaana uu sare u qaadi karo awoodda ay dalalkani ugu wada falcelin karaan khataraha ka imanaya argagixisada, weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo khalkhal kasta oo saameyn kara marinada ganacsiga iyo tamarta.
Haddii heshiiska si rasmi ah loo dhaqan geliyo, waxaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah heshiisyada difaac ee ugu waaweyn ee saddex geesood ah ee ay dalalkan gaaraan sannadihii u dambeeyay, isagoo ka tarjumaya dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo difaac ee dunida Islaamka iyo gobolka Bariga Dhexe.
