Guutada 21aad Ciidanka Komaandooska Gorgor Oo Maanta Tababar Loogu soo Xiray Turkiga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Guutada 21aad Ciidanka Komaandooska Gorgor ayaa maanta loo soo xiray tababarkii uga socday dalka Turkiga. Maalmaha soo socda ayaa lagu soo celin doonaa Muqdisho waxaana la daabuli doonaa guutada 22aad oo tababarkoodii aas aasiga ahaa ku dhamaystay Muqdisho. Tan ayaa ka dhigan ee Xukumadda Xasan Sheekh ay tababartay 3 meelood 2 meel ( ⅔) ciidanka Gorgor.

Xukumadii madaxweyne Farmaajo ayaa tababartay guutooyinka 17aad iyo 18aad halka xukumada hada jirta ay tababartay 19aad, 20aad, 21aad iyo 22aad oo hada la dirayo. Waxaa kale oo is badalay markii hore hal Urur ayaa tababarka loo qaadi jiray balse hada halmar ah ayaa guuto dhamaystiran la diray.

Dowladda Turkiga ayaa tababarka bixisa halka Qatar ay lacagta ku bixiso. Mushaarka dowladda ayaa bixisa $200 halka Turkiga bixi 100$ taas oo mushaarkooda ka dhigaysa 300$. Cutubku waa kuwa ugu badan ciidanka hada jira. Dowladda Turkiga ayaa qalabka siisa balse wali lama siin hub hormarsan inkastoo ay heleen drones habeen iyo maalin ah iyo gaadiid gaashaaman.