Dowlada Somalia oo ka Hadashay Heshiiska Turkey, Pakistan iyo Sacuudiga

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay heshiiska cusub ee difaaca wadajirka ah ee maanta magaalada Makka ku kala saxiixdeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Turkiga iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, iyadoo ku tilmaantay heshiiskaasi mid taariikhi ah oo xoojinaya iskaashiga amni ee dalalka Islaamka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu hambalyeeyay saddexda dal ee heshiiska wada saxiixday, iyadoo lagu sheegay in heshiiska cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinaca difaaca, amniga iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee gobolka.

“Hambalyo ayaan u direynaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Turkiga iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan munaasabadda saxiixa Heshiiska Makka ee Difaaca Wadajirka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sida lagu qeexay heshiiska, haddii weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal ee saxiixay, waxaa loo aqoonsan doonaa weerar ka dhan ah dhammaan xubnaha heshiiska, taasoo ka dhigan in dalalka kale ay wadajir uga falcelin doonaan iyadoo la raacayo qodobbada lagu heshiiyay. Ujeeddada heshiiska ayaa lagu sheegay in la abuuro hannaan difaac oo mideysan, laguna xoojiyo awoodda dalalka xubnaha ka ah si ay uga jawaabaan khataraha amni ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskan uu ka tarjumayo dadaallada lagu dhisayo iskaashi amni oo qoto dheer, kaas oo sare u qaadaya wada-shaqeynta ciidamada, isdhaafsiga khibradaha, tababarrada ciidamada, horumarinta warshadaha difaaca iyo iskaashiga dhinacyada tiknoolajiyadda militari.

Qoraalka ayaa lagu tilmaamay Heshiiska Makka inuu yahay “tallaabo taariikhi ah” oo wax weyn ka tari karta xoojinta amniga wadajirka ah iyo dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo waara, si looga hortago khataraha ay wadaagaan dalalka gobolka, sida argagixisada, xagjirnimada, weerarrada ka dhanka ah kaabeyaasha muhiimka ah iyo khataraha kale ee amniga.

Wasaaradda ayaa sidoo kale muujisay rajada ay ka qabto in heshiiska cusub uu gacan ka geysan doono xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana uu taageeri doono dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo caqabadaha amni ee sii kordhaya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in heshiiskani uu xoojin doono mabaadi’da iskaashiga, isku duubnida iyo mas’uuliyadda wadajirka ah, isla markaana uu u adeegi doono danaha shacabka gobolka, isagoo door muhiim ah ka qaadan doona dhismaha nabad waarta iyo amni loo siman yahay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaantay in iskaashiga noocan oo kale ah uu muhiim u yahay xilligan ay dunidu wajahayso caqabado amni oo isa soo taraya, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, halkaas oo ay weli ka jiraan khataro la xiriira argagixisada, xasillooni darrada siyaasadeed iyo amniga marin-biyoodka muhiimka ah.

Heshiiska Makka ayaa yimid kadib muddo bilooyin ah oo wadaxaajood u dhexeeyay Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan. Saddexda dal ayaa la filayaa inay sii ballaariyaan iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarka ciidamada, wadaagga xogaha sirdoonka, horumarinta awoodaha militari iyo ilaalinta amniga gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku celisay inay sii wadi doonto xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka saaxiibka ah ee taageera amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo adkeysay muhiimadda ay leedahay iskaashi caalami ah oo ku saleysan wadajir, is-ixtiraam iyo ilaalinta nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.