Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in markab shidaal oo dalkaas laga leeyahay ay bartilmaameedsatay Iran xilli uu marayay marinka Hormuz.
Warsaxaafadeed ay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa cambaareysay “weerarka gantaal ee cadawtinimada ku dheehan yahay ee ay Iran ku qaadday markab shidaal oo ay leedahay Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Abu Dhabi, xilli uu marayay marinka Hormuz.”
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, cidna kuma dhiman mana aysan soo gaarin wax dhaawac ah weerarkaas.
Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Abu Dhabi ayaa Jimcihii shaacisay in tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, 15 ka mid ah maraakiibteeda ay la kulmeen weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah xilli ay marayeen marinka Hormuz, iyadoo saddex ka mid ah dhacdooyinkaas ay dhaceen toddobaadkii la soo dhaafay.
Ciraaq oo kala xaajooneysa Iran inay waddo u furto shidaalkeeda
Wasiirka Shidaalka ee Ciraaq ayaa sheegay in Baqdaad ay Tehran kala xaajoonayso habraac fududeynaya dhoofinta shidaalka.
Bassem Mohammad ma uusan faahfaahin habraacan, oo ay ku jiraan waddada la soo jeediyay, tirada la filayo in la dhoofiyo, iyo waqtiga la fulinayo.
Wuxuu shir jaraa’id ku sheegay in Ciraaq ay hadda soo saarto qiyaastii 2.7 milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii, taas oo qiyaastii kala bar ka mid ah la dhoofiyo.
Wasiirka Shidaalka ee Ciraaq ayaa intaas ku daray in xadka ugu sarreeya ee dhoofinta shidaalka Ciraaq bishan uu u dhexeeyo 1.5 ilaa 1.75 milyan oo foosto maalintii.
