Wednesday, August 19, 2026

Suuriya Oo Shaacisay inaysan Wareejin doonin Walxo Nukliyeer ah Oo laga Helay Dalkaasi

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Suuriya ayaa shaacisay inaysan wareejin doonin walxo nukliyeer ah oo laga helay goob aan la shaacin oo ku taal Suuriya, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Suuriya, Asaad al-Shibani uu si cad u sheegay inay Suuriya dib u adeegsan doonto walxahan oo aan laga saari doonin gudaha Suuriya,

ka dib markii ay soo baxeen warar la xiriira inay Israa’iil iskudayday inay goobtan weerarto,balse Mareykanka uu ka joojiyay, taa beddelkeedana Suuriya ay oggolaatay walxahan inay dhulkeeda ka saarto, taasoo hadda uu ka horyimid wasiirka arrimaha dibadda Suuriya, sida ay werisay Reuters.

Warbixintu waxaa kaloo ay sheegtay Suuriya inay ku sheegtay walxahan hadda inaysan lahayn khatar, ayna u oggolaan doonto hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), inay kormeerto, laakiin aysan jirin doonin wax wareejin ama in Suuriya laga saaro ah.