Ugu yaraan 13 qof, ayaa ku dhintay dhul-go, ka dhacay goob Dahabka laga qodo oo ku taalla koonfur-galbeed Dalka Colombia.
Dhacdadan ayaa timid ka ddib markii dhul badan uu kusoo dumay goobta macdanta, iyada oo dad ku sugnaa aagga ay ku hoos xannib-meen burburka, Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen shilkan naxdinta Leh.
Kooxaha gurmadka iyo shaqaalaha deegaanka ayaa goobta ka bilaabay hawl-gallo lagu baadi-goobayo dadka kale ee laga yaabo inay weli ku jiraan burburka.
Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay khatarta ka dhalan karta macdanta dahabka ee sharci-darrada ah, gaar ahaan goobaha aan lahayn tallaabooyin ku filan oo badbaado ah.
Source Al-jazeera


