Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac, ayaa saaka ka dhacay Deegaanka Lughaya ee Gobolka Awdal.
Goob jooge ku sugan Lughaya oo lagu magacaabo Muuse Jeeke ayaa sheegay in dagaalkaasi dhacay oo uu sababay khasare dhimasho iyo dhaawac isugu Jira oo Soo Gaadhay labada dhinacba.
“Dagaal ayaa saaka ka dhacay degmada lughaya oo xagga Galbeed ayaa lagaga Soo duulay, Ciidanka ayaa joojiyey mar, hadana dib ayuu u bilaabmay welina tuurtuur ayaa sii socda Dagaalka ah.
Dagaalkaasi Dhaawac iyo dhimashaba wuu sababay labada dhinacba, waana dad Galbeedka Laga keenay waxan meesha ku dagaalamayaa dhimasho iyo dhaawacba wuu jiraa, waxa Soo gadhay Ciidan Laga keenay Deegaanka gargaara oo kala dhex galay.” Ayuu yidhi goobjoogahani
