Shirkadda Simodi oo Daahfurtay Applicationka casriga ah ee Simodi Gold APP oo ah Suuq Casri ah oo aad ka iibsan karto dahab-ka, kuna kaydsan karto.
Munnaasibad balaadhan oo lagu daahfuray SIMODI GOLD APP ayaa lagu qabtay Magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta. Madashan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa kulmisay ganacsato, maalqabeenno Soomaaliyeed iyo maal-gashadayaal caalami ah, marti sharaf kale iyo shakhsiyaad caan ah.
SIMODI GOLD waa suuq casri ah oo ku fududayna in adiga oo isticmaalaya mobile-kaaga aad iibsato dahab, kaydsato, la socoto qiimaha dahabka ama aad iibiso si aad uga samayso faa’ido.
Daahfurka SIMODI GOLD wuxuu astaan u yahay cutub cusub oo suuqa dahabka ah, taas oo ay suurogeliyeen aqoon, kalsooni iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Suuqa SIMODI ayaa sahalaya fursadaha helitaanka, kaydinta iyo ka ganacsiga dahabka.
SIMODI GOLD — IIBSO. KAYDSO. IIBI. SI FUDUD OO AMMAAN AH.
Hadda kala soo Deg:
• iPhone / iPad — Apple App Store: Download SIMODI GOLD on the App Store
• Android — Google Play: Download SIMODI GOLD on Google Play
• Official Website / Web Platform: SIMODI GOLD Official Website








