Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Netherlands u gacan gelisay nin Soomaali ah oo haysta dhalashada Netherlands, kaas oo horey loogu xukumay dambiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada, dhaqidda lacagaha iyo dambiyada abaabulan.
Ninkan ayaa muddo baxsad ahaa, waxaana si gaar ah u raadinayay ciidamada Booliska Netherlands ee qaabilsan soo qabashada dadka ka baxsada dalka kadib marka lagu rido xukunnada maxkamadaha.
Mas’uuliyiinta Netherlands ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay Imaaraadka Carabta, kadib markii hay’adaha ammaanka labada dal ay iska kaashadeen sidii loo soo qaban lahaa looguna soo celin lahaa Netherlands.
Ninka ayaa oggolaaday habka degdegga ah ee maxkamad-dhiibidda, taasoo meesha ka saartay baahida loo qabo hannaan sharci oo dheer, isla markaana fududeysay in si dhaqso ah loogu soo celiyo dalka.
Mas’uuliyiinta Netherlands ayaa xaqiijiyay in ninkan uu subaxnimadii Jimcaha ka degay Garoonka Schiphol ee Amsterdam, halkaas oo ciidamada ammaanka ay kala wareegeen si uu u sii wato xukunkii hore loogu riday.
Maxkamadda Degmada Waqooyiga Netherlands ayaa bishii November 2022 ninkan ku xukuntay lix sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada, dhaqidda lacagaha iyo ku lug lahaanshaha dambiyada abaabulan.
Sida uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaalinta Dadweynaha Netherlands, ninkan ayaa weli u harsanaa 2,025 maalmood oo xabsi ah, taasoo u dhiganta ku dhowaad shan sano iyo lix bilood.
