Sarkaal ka tirsan dowladda Iran ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu duqeyn cirka ah ka fuliyay agagaarka xarunta tamarta nukliyeerka ee Bushehr, oo ah xarunta keliya ee tamarta nukliyeerka ee Iran.
Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa soo xigatay mas’uul deegaanka Bushehr ka tirsan, Ehsan Jahanian, oo sheegay in weerarku dhacay duhurnimadii, saacado yar kaddib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) uu shaaciyay inuu soo afjaray weerarradii uu ka waday Iran.
Ilaa iyo hadda, dowladda Maraykanka kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha ay soo jeedisay Iran.
