Jared Kushner Oo isku Dayaya inuu Badbaadiyo Siyaasadda Gudaha Mareykanka Ee Soddogiisa Trump

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Jared Kushner ayaa isku dayaya inuu badbaadiyo siyaasadda gudaha Mareykanka ee soddogiisa Trump, wuxuuna kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaha xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee aqalka wakiillada Mareykanka,Hakeem Jeffries, sabab la xiriirta in Kushner uu fahansanyahay Dimuqraadigu inuu la wareegayo aqlabiyada golaha wakiillada marka ay dhacdo doorashada dhexe ee Mareykanka oo la qabanayo bisha November 2026.

Taa haddii ay dhacdo Hakeem Jeffries ka dhigaysa qofkii u horreeyay oo ka tirsan bulshada Afrikaanka Mareykanka ah oo noqda guddoomiyaha golaha wakiillada Mareykanka.

Wargeyska New York Times , wuxuu maanta sheegay kulanka in looga hadlay arrimo ay iska kaashan karaan labada dhinac,xilli ay sare martay khilaafka u dhaxeeya labada xisbi Jamhuuriga uu Trump ka tirsan yahay iyo Dimuqraadiyiinta la filayo inay la wareegaan aqlabiyada Congress-ka,taasoo ka dhigan in xukuumadda Trump ay u baahan karto inay la shaqeyso hoggaanka Dimuqraadiyiinta si ay u meelmariso qaar ka mid ah ajandayaasheeda

Screenshot