Maraakiibta Turkiga Oo Bur-buriyay Doonyaha Dheereeya Oo ay Wateen Burcad Badeed Somali ah.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wararka laga helayo markabka shixnadda u wada dalka Turkiga ee ay haystaan burcad badeeda somalida ayaa waxa bur buray heshiis dhaqaale oo lagu heshiyey in la siiyo kooxdan burcad badeeda ee markabka haysata .

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo warkan laga helayo ayaa sheegaya in lacag lagula heshiiyey burcada loogu dhiibay masuuliyiin somaliya ay ka leexsadeen lacagtii islamarkaana sidaas ay burcad badeedii ugu hungoobeen heshiiskii lala galay .

Sidoo kale duqayn Markab dagaal oo la sheegay inay fuliyeen ciidamada turkiga ayaa lagu dilay 7 nin Oo hubaysan kuwaaso Doonyaha dhereeya kwatey badda ku aadan deegaan xeebeed lagu magacaabo Argeegto oo u dhexeeya deegaanka Jiifle iyo deegaanka Dhinowda-Dhigdhig Ee degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal puntland

Duqeynta ayaa waxaa lala beegsaday saxiimad ay Wateen ilaa 10 nin oo hubaysan oo la sheegay in ay u socdeen markabka Lutuf, kuwaas oo goobta uu keenay gawaarida dheereeya ee cidamada

Markabka Lutuf oo Turkiga u raran ayaa saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa Badda weynta ku beegan deegaanka Jiifle, waxaana la sheegay in kooxda Burcad-badeedda ah ee haysata ay ka bexeen heshiis ay shalay la galeen Turkiga, kaas oo ay garwadeen ka ahayd masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Kooxda Burcad-badeedda ah waxaa xalay loo ogolaaday in adeeg u yimaado, balse waxaa adeega u soo dhex raacay koox hubaysan, kuwaas oo fuulay markabka.