Mareykanka ayaa diblomaasiyiintii uu ka saaray inta uu socday dagaalka Iiraan dib ugu celinaya safaaradaha ku yaalla dalalka Bariga Dhexe, sida ay shaacisay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.
Dukumiintiyo gudaha ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa baahisay, in wasaaraddu dib ugu soo celinayso Maraykanka diblomaasiyiintii ka tirsanaa safaaradaha Bariga Dhexe intii uu dagaalku socday iyo ka hor.
Ma cadda inay tani ku filantahay Mareykanka inuu soo afjarayo dagaalka Iiraan, maaddama uu hadda dib u celinayo diblomaasiyiinta iyo qoysaskooda horey looga saaray Bariga Dhexe ,iyadoo laga fogeynayo inay la kulmaan weerarrada Iiraan.
