Finland Oo ka Dalbatay NATO in Gacan laga Siiyo Kormeerka Xadduuda Ruushka,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Finland ayaa ka dalbatay dalalka isbahaysiga NATO in gacan laga siiyo kormeerka xadduuda Ruushka, iyadoo ka walaacsan dhaqdhaqaaq la sheegay inuu dhinaca Finland ka billaabay Ruushka, taasoo keentay dalalkii u horreeyay oo ay Sweden u horreyso in ay billaabeen diyaaraddo iyo maraakiib dagaal inay u diraan Finland, sida ay werisey Reuters.

Xaaladan waxay ku soo aadday markii madaxii CIA-da Mareykanka uu tagay Moscow , isagoo la sheegay inuu uga digay Ruushka inuu fuliso weerar lagu qaadayo dal ka tirsan NATO, taasoo ay sheegeen inay Mareykanka ku qasbayso dagaalka ka dhan ah Ruushka inuu qayb ka noqdo, ka dib xogo sirdoon oo CIA-du sheegtay inay heshay.