Qarax Wayn Oo ka Dhacay Caawa Magaalada London.
Laba maalmood ka dib hanjabaadihii Ruushku u jeediyay Ingiriiska, ayaa waxa uu qarax weyn saacado ka hor ka dhacay xarun warshadeed oo ku taalla meel ku dhow garoonka Wembley Stadium ee waqooyi-galbeed London.
BBC-da ayaa werisey in goobta qaraxu ka dhacay ahayd warshad dib loogu farsameeyo qashinka, waxaana halkaa la geeyay ilaa 120 dab-damis.
Dawlada Ingiriiska ayaan wali caddeyn waxa qaraxa dhaliyay,xilli inta badan la joojiyay tareennada iyo isku socodka goobaha ku dhow aagga uu dabku qabsaday oo uuro iyo qiiq ay hawada xireen
