Ugu yaraan 7 Qof Oo Dhintay, halka 237 Qof laga soo Badbaadiyey Doon ku Degtay Qubrus

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan 7 qof ayaa dhintay, halka 237 qof la soo badbaadiyey, kaddib markii doon rakaab oo ay saarnaayeen 267 qof ay maanta ku qalibantay xeebaha waqooyiga Qubrus. Waxaa weli socda baadigoobka 24 qof oo aan la hayn.

Doonta oo ahayd nooca catamaran oo leh laba qaybood oo biyaha dul sabbeeya, korkana la iskaga xidho ayaa ka soo baxday dekedda Kyrenia (Girne), iyadoo ku sii jeeday dekedda Taşucu ee gobolka Mersin, Türkiye.

Masuuliyiintu waxay sheegeen inay doontu biyo qaadatay wax yar kaddib markii ay safarka bilowday, iyadoo xaalad cimilo oo aan wanaagsanayn lala xiriiriyey shilka.