Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay in kulan uu la yeeshay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Iiraan uu ku amray inay si degdeg ah uga jawaabaan “hanjabaad kasta oo cadowga ka timaadda, iyaga oo aan ku xaddidnayn xuduud juqraafiyeed”.
Sida lagu sheegay qoraalka lagu daabacay bogga, wuxuu sidoo kale amray in liiska bartilmaameedyada milatari la cusbooneysiiyo, si hantida Maraykanka iyo Israa’iil ee “maaddiga ah iyo tan aan maaddiga ahayn” ay u noqoto mid ay ciidamada Iiraan gaari karaan.
Waxaa sidoo kale la soo xigtay hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah oo sheegay in haddii weerar cusub oo milatari ama “argagixiso” ah uu dhaco, Iiraan ay iyadu go’aamin doonto waqtiga iyo shuruudaha lagu soo afjarayo dagaalka.
Waxaa la sheegay in kulanka ay goob joog ka ahaayeen Sarreeye Guud Cali Cabdullaahi, oo ah madaxa guud ee ciidamada qalabka sida; Sarreeye Guud Amiir Xaatami, taliyaha guud ee ciidanka milatariga; iyo Sarreeye Guud Axmed Vahidi, taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.
Tan iyo markii aabbihii lagu dilay dagaalkii 40-ka maalmood socday, isla markaana uu isaga kala wareegay hoggaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Mojtaba Khamenei laguma arag meel fagaare ah, mana jirto wax cod ama muuqaal ah oo laga sii daayay.
