Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn u soo dhaweeyay qorshaha dib-u-dejinta ee uu dhawaan ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaas oo loogu talagalay shacabka ay saameeyeen hawlaha dib-u-qaabaynta iyo horumarinta caasimadda.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshahan lagu fulinayo amarka iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo faraya in hawlaha lagu qurxinayo laguna horumarinayo caasimadda ay barbar socdaan ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu diyaariyay 1,058 boos oo dhul ah, kuwaas oo loo iibiyay dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta, iyadoo goobahaasi si lacag la’aan ah loogu wareejinayo qoysaska guryahoodu ku waayeen hawlaha dib-u-qaabaynta xaafadaha isku-raranka ah ee Muqdisho.
Bayaan maanta kasoo baxay Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu taageeray tallaabadan, iyadoo culimadu ay sheegeen in qorshahan uu ka tarjumayo talooyinkii iyo dardaarannadii ay hore ugu jeediyeen maamulka, gaar ahaan baaqii ahaa in loo turo dadka danyarta ah iyo qoysaska nugul ee ku nool duruufaha adag, lana dhowro karaamadooda iyo xuquuqdooda muwaadinimo.
Culimadu waxay si gaar ah u bogaadiyeen dhulka ay Dowladda Hoose ee Xamar ka diyaarisay degmada Gubadley, kaas oo loogu talagalay dib-u-dejinta shacabka ay saameeyeen qorshayaasha dowladda ee la xiriira horumarinta caasimadda.
>“Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa qorshaha Dowladda Hoose ee Xamar ugu diyaarisay deegaanka Gubadley ilaa kun boos oo la dejinayo muwaadiniinta ay saameeyeen hawlaha dib-u-qaabaynta, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Md. Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), uu ballan qaaday in goobaha cusub laga hirgelinayo adeegyada aasaasiga u ah bulshada, sida biyaha, korontada, waxbarashada iyo adeegyada caafimaadka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ku dardaarmay in dib-u-dejinta lagu saleeyo xaqiijin, diiwaangelin dhab ah, caddaalad iyo hufnaan, si loo hubiyo in guryihii iyo deegaannadii ay saameeyeen hawlaha dib-u-qaabaynta ay mudnaanta helaan dadka sida dhabta ah u deggenaa.
“Waxaan sidoo kale dardaaran ugu jeedinaynaa Maamulka Gobolka in dib-u-dejinta lagu saleeyo xaqiijin iyo diiwaangelin dhab ah oo lagu ogaanayo dadka sida dhabta ah u deggenaa goobaha ay saameeyeen hawlaha dib-u-qaabaynta, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka nugul iyo qoysaska aan haysan awood ay ku raadsadaan xuquuqdooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Culimadu waxay sidoo kale ugu mahadceliyeen Maamulka Gobolka Banaadir tallaabada ay qaadeen, iyagoo ku boorriyay in qorshaha dib-u-dejinta lagu fuliyo si waafaqsan **caddaalad, hufnaan, sinnaan iyo daryeelka dadka nugul.
Dhanka kale, Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay inay si wanaagsan uga qaybqaataan dadaallada lagu horumarinayo, laguna qurxinayo caasimadda dalka.
Culimadu waxay xuseen muhiimadda ay leedahay in shacabka ay si mas’uuliyad iyo wadajir leh uga qaybqaataan qorshayaasha lagu horumarinayo bilicda, nadaafadda iyo amniga Muqdisho, iyadoo la dhowrayo danaha guud iyo xuquuqda muwaadiniinta.
Ugu dambayn, Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay ganacsatada, maalgashadayaasha iyo hay’adaha samafalka inay iska kaashadaan wax u qabashada dadka danyarta ah ee loo samaynayo dib-u-dejinta iyo guud ahaan qoysaska nugul ee u baahan taageero.
Culimadu waxay ku adkeeyeen in horumarinta caasimaddu ay u baahan tahay iskaashi iyo isku-tashi dhex mara dowladda, bulshada, ganacsatada iyo hay’adaha samafalka, si loo xaqiijiyo in horumarka Muqdisho uu si caddaalad ah uga faa’iideysto dhammaan shacabka.
