Wednesday, September 2, 2026

Jordan iyo Imaaraadka Oo si weyn u Xaddidey Shaqada Saxafiyiinta Markii Iiraan Weerartay Xalay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wariyaha BBC-da ee Bariga Dhexe, Nafiseh Kohnavard ayaa maanta sheegtay in Jordan iyo Imaaraadka Carabta ay si weyn u xaddideen shaqada saxafiyiinta, ka dib markii Iiraan ay sheegatay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay saldhigyo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin gobolka.

Kohnavard waxay sheegtay in warbaahinta lagu soo rogay faafreeb aad u adag,taasoo adkaynaysa in si madax-bannaan loo xaqiijiyo khasaaraha iyo burburka ka dhashay weerarrada. Waxaa kaloo ay xaqiijisay agabkii war tebinta ee BBC-da ay uga howlgalaysay Jordan inay la wareegeen laamaha ammaanka oo ay xannibeen, halka lagu wargeliyay cidii iskudayda inay wax ka duubto goobaha lagu tuhmayo weerarrada ay inay dhaceen in loo tixgelinayo dambi inay galeen, xataa wariye haddii ficilkaa ku kaco.