Thursday, September 3, 2026

Iran Oo Qiratay In Duuliyeyaal iyo Askar kale Oo Looga Dilay Duqeymaha Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawlada Iran ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in saddex duuliye oo ka tirsan ciidanka lagu dilay weerarradii Maraykanku ku qaaday Iran “labo habeen ka hor.”

Wakaaladda wararka Tasnim oo xiriir dhow la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC) oo warkan haahisay ayaan soo bandhigin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta iyo sida duuliyayaashan loo dilay.

Sida ay sheegtay Tasnim, magacyada duuliyeyaashu waxay kala yihiin Mojtaba Bagheri, Hamed Okati, oo ka tirsanaa ciidamada badda, iyo Hossein Mahdaviyan, oo ka tirsanaa ciidamada cirka.

Wakaaladda ayaa sidoo kale baahisay magacyada lix xubnood oo kale oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Iran, in lagu dilay weerarro ka dhacay qaybaha koonfureed ee dalka.

Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa labo maalmood ka hor sheegay inuu weerarro ka fuliyay dhowr magaalo oo ku yaalla koonfurta Iran.

Sida ay Iran sheegtay, marka laga soo tago weerarkii lagu qaaday Kohstak ee Sirik,ayaa toddobo qof lagu dilay, siddeed kalena waa lagu dhaawacay weerarro ka dhacay goobo ku yaalla Ahvaz iyo Aghajari, oo ka tirsan gobolka Khuzestan. Ugu yaraan mid ka mid ah dadka dhintay ayaa lagu sheegay inuu ahaa xubin ka tirsan “ciidamada amniga shacabka.”

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa sidoo kale xaqiijiyay in afar xubnood oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka iyo Hawada ee IRGC lagu dilay gobolka Kermanshah. Sida ay sheegayaan wararku, saddex xubnood oo ka tirsanaa ciidamada Basij ayaa sidoo kale lagu dilay kadib weerarkii Maraykanku ku qaaday Jasiiradda Lavan.