Thursday, September 3, 2026

Ruushka Oo ka Horyimid Digniintii Mareykanka Ee ahayd Inuu ka Fogaado Iiraan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawlada Ruushka ayaa diiday inay u hogaansanaato digniintii Maraykanka ee ahayd in dalalka la leh xiriirka Iraan ay joojiyaan taageerada islamarkaana ay u hogaansamaan cunaqabataynta adag ee la Saaray.

Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka oo arimahan ka hadlayay ayaa yiri: “Waxaan Iran ku soo rogeynaa cunaqabateyn aan hore loo arag… Sida ugu dhaqsaha badan ee loo soo afjari karo colaaddan waa in aan cidina wax taageero ah siin taliska Iran.”

Hase yeeshee, Digniintan Maraykanka ayaa jawaab adag kala kulmay dalal ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka Ruushka, Dmitry Peskov, oo la hadlay maanta wakaaladda wararka Interfax ayaa yiri: “Waxaan leennahay saaxiibbo iyo shuraako, waxaana sii wadi doonnaa, sidoo kalena sii horumarin doonnaa, dhammaan xiriirradaas saaxiibtinnimo iyo iskaashiga ku dhisan.”

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Maraykanku uusan awood u lahayn inuu “keligiis yeesho ama koontaroolo” xiriirrada aanu la leenahay Iran ama dalal kale.