Thursday, October 29, 2026

Uganda Oo Sheegtay inay Bilowday ka Bixitaanka Ciidamadeeda Somaliya

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu uu bilaabay ka bixitaanka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu ku sheegay in kaddib 20 sano oo uu xusay inay jireen dhiig-bax iyo naf-hurid, ay bilaabeen inay amniga ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ciidamada Uganda ay muddo dheer qayb ka ahaayeen hawlgallada amniga Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, taliyuhu faahfaahin kama bixin tirada ciidamada baxaya, goobaha ay ka bixi doonaan iyo muddada uu qaadanayo qorshahaasi.