Saturday, September 5, 2026

Madaxweyne Putin Oo Maanta Amar ku Bixiyay in Muddo Kooban la Hakiyo Duqeymaha Ukraine

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin , ayaa maanta amar ku bixiyay in muddo saddex maalmood ah la hakiyo duqeymaha lagu beegsanayo caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli ergayada gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, ay maanta gaareen Moscow, iyagoo wada dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loo bilaabo wadahadallada nabadda ee Ruushka iyo Ukraine la yeeshay Putin.

Aqalka madaxtooyadda Ruushka ee Kremlin-ka ayaa sheegay in hakinta weerarradu ay la xiriirto diyaarinta iyo socdaalka ergada Mareykanka ee Kyiv.

Witkoff iyo Kushner ayaa la filayaa inay Kyiv u safraan berri, halkaas oo ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo dhankiisa ku dhawaaqay xabbad-joojin saddex maalmood ah inta ay socoto booqashada ergada Mareykanka.