Tuesday, September 8, 2026

Roobab Xoogan Oo ka Da’ay Dalka Japan Oo Dhaliyay Dhul Go’Iyo Khasaaro kale.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Magaalada Nagoya ee bartamaha Japan, waxaa maanta ka da’ay roob cabbirkiisu yahay 104.5 millimitir, kaasoo dhaliyay dhulku inuu dilaaco, goob kastana ay biyo buuxiyaan, waxaana lagu sheegay roobkii ugu badnaa ee taariikhda la diiwaangaliyo oo muddo keliya saacad ah ku da’a.

Magaaladan ayaa gashay xaalad bandow ah iyo digniin heerka u sarreeyay oo dawladda Japan ay ka soo saartay xaaladda ka jirta Nagoya , oo ku soo aaday xilli ay sare mareen dhacdooyinka Rabaaniga ah ee meelo badan oo dunidda ah ay wajahayaan.