Tuesday, September 8, 2026

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Oo Jawaab Adag ka Bixiyay Eedeymo Uga Yimid Madaxda ONLF

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa weerar jawaab celin ah oo afka ah ku qaaday Masuuliyiinta ONLF oo dhawaan eedeeyay siyaasada madaxwaynaha.

Mustafe Halgankii Gobanimo u dirirka aha ee 42 sano jirsaday wuxu ku tilmaamay waxba kama jiraan isago yiri wa Siyaasiyiin fashilmay oo wali ku jira Siyaasad Mandhaleys ah.

Wuxu ku Tilmaamay in ay yihiin kuwo Sheeko Xariireed kawada Saxaafada wax badan oo ay badali karana aysan jirin sido kale wuxu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo TPLF ku tashanaya oo sugaya intey dib ogu so laabanayan xukunka balse waxba isma badalayaan ayuu yiri.

“Waxyalihii laga hadlayay ee ay kamid ahayd meeqamka Magaalada Diridhaba ayaa wax laga badalaya, waxay dhammantod noqdeen been-abuur. In lasii adkeeyo Meeqamka magaalada Diridhaba iyo in ay tahay magaalo Federal ah waa wax soo kordhay. Mana jiro wax hoos u dhacay. Borobogandhadaas TPLF ayaa dabada ka riixaysay si loo carqaladeeyo shirka.”

MW Mustafe wuxu u muuqda in Cabsi xoogan uu ka qabo ONLF iyo in markale Halgan Hubeysan ka bilowdo Gobolka waxana Madaxwayne Mustafe u muuqdaa in uu ka gubtay hadaladii kululaa ee laba maalmood ka hor kasoo yeeray Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge.