Wednesday, September 9, 2026

iraan Oo Shuruudaha ay Dib ugu Furayso Marinka Hormuz ku soo Dartay Joojinta Weerarada ka Dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

iraan ayaa shuruudaha ay dib ugu furayso marin-biyoodka Hormuz ku soo dartay joojinta weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.

Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Jen.Xuseen Mohebi ayaa sida ay maanta baahisay wakaaladda waraka Iiraan ee Fars , wuxuu sheegay in shuruudaha Iiraan ee dib loogu furi karo Hormuz iyo soo afjaridda xaaladda hadda jirta ay ka mid yihiin:

1-In dagaalka gebi ahaanba la joojiyo.

2-In la joojiyo hanjabaad kasta oo cusub oo loo jeediyo Iiraan.

3-In ciidamada Israa’iil ay ka baxaan Lubnaan.

4-In la soo afjaro go’doominta Yemen.

5-In Iiraan loo fasaxo 23 bilyan oo doollar oo ka mid ah hantideeda la xannibay.

6-In aan la faragelin barnaamijyada iyo awoodda nukliyeerka iyo gantaallada Iiraan.