Hawlgal ballaadhan oo baadhitaan iyo samatabbixin ah ayaa ka socda Badda Java ee Indonesia, kaddib markii markabka rakaabka ee Virgo Transport 8 uu ku qalibmay cimilo xun isaga oo ay saarnaayeen 243 qof.
Hay’adda Baadhista iyo Samatabbixinta Indonesia ayaa sheegtay in 108 qof la badbaadiyey, lix qofna meydkooda la helay, halka 129 qof weli la la’yahay.
Markabku wuxuu Sabtidii kasoo baxay magaalada Surabaya ee Bariga Java, isagoo ku sii jeeday Banjarmasin ee Koonfurta Kalimantan. Waxaa saarnaa 213 rakaab ah iyo 30 shaqaale ah, waxaana kabtanka markabku ka digay bad kacsan iyo hirar gaadhaya ilaa 3 mitir ka hor inta aanu dirin farriin gurmad ah.
Mid ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyey, Rinto Arahab, ayaa sheegay inuu ku dhegay biraha markabka markii uu rogmaday, dabadeedna uu isku dayay inuu gaadho meel sare isaga oo markabku hirarka dhex rogmanayo. Wuxuu sheegay in xilligaas waxa keliya ee uu samayn karayey ay ahayd inuu Alle baryo.
Dhanka kale, qoysaska dadka la la’yahay ayaa ku isugu yimid dekedda Trisakti ee Banjarmasin, iyagoo sugaya xogta ehelkooda. Haweeney lagu magacaabo Putri ayaa Reuters u sheegtay inay telefoon kula hadlaysay ninkeeda Herman ka hor inta aanu xidhiidhku si lama filaan ah u go’in.
Ciidamada badda, maraakiibta gurmadka iyo diyaarado qumaatiga u kaca ayaa lagu daabulay aagga uu shilku ka dhacay, oo qiyaastii 148 KM u jira Banjarmasin. Hirarka xooggan ayaa caqabad ku noqday hawlgalka samatabbixinta.
Indonesia oo ka kooban in ka badan 17,000 jasiiradood ayaa si weyn ugu tiirsan gaadiidka badda, waxaana shilkan uu markale soo celiyey walaaca laga qabo badbaadada maraakiibta rakaabka ee dalkaas.





