Monday, September 14, 2026

Sacuudiga Oo Maanta Imaaraadka Carab u sheegay in la joogo waqtigii Meesha Laga Saari lahaa khilaafka u dhaxeeya,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudiga, wuxuu maanta la xiriiray Imaaraadka Carab , isagoo u sheegay in la joogo waqtigii ay meesha ka saari lahaayeen khilaafka u dhaxeeya, isla markaana ay dib u mideeyn lahaayeen mowqifkooda, ka dib wadahadal ay maanta telefoonka ku yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Faysal bin Farxaan iyo dhiggiisa Imaaraadka Carabta, Cabdullaahi bin Zayed.

Warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga oo lagu shaaciyay wadahadalkan, waxaa lagu sheegay;

“Intii uu socday wada hadalka, waxay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dadaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo xiisadda sii xoogeysanaysa, iyadoo xaaladda gobolka ay si xawli ah isu beddeleyso.”

Waxaa kaloo lagu yiri; “Waxay sidoo kale isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay in labada dal ay mideeyaan mowqifyadooda oo ay xoojiyaan wadatashiga, si loo taageero iskaashiga wadajirka ah ee dalalka Khaliijka, loona ilaaliyo amniga dalalka Khaliijka, hantidooda iyo danahooda.”