Monday, September 14, 2026

Xutiiyiinta Yemen Oo ka Hadlay Weerar kale Oo ay Galabta ku Qaadeen Sacuudiga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay maanta weerar kale oo ay adeegsanayaan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen goobo militari oo ku yaalla Sacuudiga.

Kadib weerarka, hay’adaha difaaca rayidka Sacuudiga ayaa digniin kooban u diray dadka ku nool magaalooyinka Khamis Mushait iyo Abha, oo ku dhow xadka Yemen.

Qof ku nool Khamis Mushait ayaa wakaaladda AFP u sheegay inuu maqlay qaraxyo xooggan, kuwaas oo sababay dab muddo dheer socday.

“Xitaa fursad aan ku seexanno ma helin,” ayuu yiri.

Xuutiyiinta ayaa dhawaan sheegtay inay gacanta ku dhigeen qaybo ka mid ah xeebaha Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab. Muhiimadda marinkan ayaa sii korortay kadib dhibaatooyinkii soo wajahay maraakiibta ganacsiga ee isticmaala Marinka Hormuz intii uu socday dagaalkii Mareykanka iyo Iran.