Monday, September 14, 2026

Sacuudiga Oo Shaacisay in Laga Helay Magaalada Madiina Macdan ay ku Badan tahay Uranium-ka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in laga helay magaalada Madiina qiyaastii 110 milyan oo tan oo macdan ay ku badan tahay uranium-ka, taas oo noqon karta kayd muhiim ah oo dhanka macdanta ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in sahankan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kheyraadka macdanta ee dalka.

Dhinaca kale Waxaa la sheegay in Sacuudi Carabiya ay 48-kii saac ee lasoo dhaafay 130 duqeyn cirka ah ku qaaday goobo ay Xuutiyiintu ku leeyihiin Yemen, iyadoo ugu yaraan 20 diyaaradood oo F-15 ah iyo diyaaradaha dagaalka ee Typhoon-ka oo uu Britain siiyay Sacuudiga ay ka qeybqaateen.

Bartilmaameedyada la sheegay waxaa ka mid ahaa xarumaha tamarta, bakhaarrada hubka, ciidamo Xuutiyiin ah, goobaha laga rido gantaallada iyo gaadiidka milatariga, gaar ahaan deegaannada waqooyi iyo galbeed ee Yemen ee ku dhow Badda Cas.

Baaxadda duqeymahan ayaa muujinaysa cadaadis militari oo joogto ah oo Sacuudigu ku hayo kaabayaasha milatari ee Xuutiyiinta.

Su’aashu waxay tahay: Heerkan sare ee duqeymaha cirka ma wax weyn ayuu ka beddeli karaa miisaanka awoodda militari ee gobolka Badda Cas?