Wednesday, September 16, 2026

Shiinaha Oo Somaliland Uga Digay Taageerada Taiwan, kuna Adkeystay Midnimada Somliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa cambaareysay hadallo ay sheegtay in hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), uu dhawaan ka sheegay Taiwan isagoo ku sugan Maraykanka.

Afhayeenka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabada Somaliland ay si cad uga hor imaanayso mabda’a “Hal Shiinaha” isla markaana ay si weyn u dhaawacayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha.

Shiinuhu wuxuu sheegay inuu si adag uga soo horjeedo tallaabadaas, isagoo xusay in mabda’a “Hal Shiinaha” uu yahay xeer si weyn looga aqoonsan yahay xiriirka caalamiga ah iyo is-afgarad caalami ah.

Afhayeenku wuxuu sheegay in dunida uu ka jiro hal Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga goyn karin dhulka Shiinaha, halka dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay tahay dowladda keliya ee sharci ahaan matasha Shiinaha oo dhan.

Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay in Taiwan aysan waligeed noqon dal, isla markaana aysan noqon doonin dal, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta arrintan ku lugta leh inay si sax ah u fahmaan xaaladda.

“Ka gudubka khadka cas ee arrinta Taiwan wuxuu horseedi doonaa cawaaqib culus,” ayuu yiri afhayeenka Safaaradda Shiinaha.

Dhanka Soomaaliya, Shiinuhu wuxuu caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan Somaliland, isagoo sheegay in Somaliland ay tahay qayb aan laga goyn karin dhulka Soomaaliya.

Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay inuu si adag u taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku ilaalinayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, isla markaana uu ka soo horjeedo tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya.