Midowga Yurub ayaa qorsheynaya in dhallinyarada dalalka qaybta ka ah ururka laga mamnuuco adeegsiga baraha bulshada, ciyaaraha internet-ka iyo wada sheekeysiga garaad-gacmeedka (AI) , sida ay soo jeedisay madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen.
Haddii Midowga Yurub uu ansixiyo soo jeedintan, waxay saameynaysaa dhammaan carruurta ka yar 18 sanno ee ku nool dalalka Midowga Yurub.
Tani waxay muujinaysaa in internet-ka oo muddo dheer loo arkayay meel xor ah oo waxbarasho, isgaarsiin iyo hal-abuur lagu horumarin karo, maanta loo arko inuu leeyahay dhinac kale oo khatar ah, gaar ahaan marka ay carruurtu si aan xad lahayn u isticmaalaan.
Dhibaatadu waxay si gaar ah u taaban kartaa dalalka soo koraya. Jiil haddii waqtigiisa badan ku bixiyo muuqaallo, ciyaaro iyo nolol been ah oo baraha bulshada lagu soo bandhigo, waxaa yaraada waqtiga uu ku baran lahaa aqoon, xirfad iyo wax uu bulshada ku soo kordhiyo.
