Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, ayaa magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddiga ayaa loo xilsaaray ka shaqaynta arrimaha dib-u-heshiisiinta, nabadda, xallinta khilaafaadka iyo taageeridda geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada Koonfur Galbeed.
Wareegtada lagu magacaabay guddiga ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo qaaday iyadoo la tixraacayo qodobo ka mid ah Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo baahida loo qabo in la xoojiyo dib-u-heshiisiinta, nabadda iyo xasilloonida.
Guddiga waxaa ku jira xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed, odayaal dhaqameed, culumaa’udiin, aqoonyahanno iyo xubno ka socda ururrada bulshada rayidka ah.
Sida lagu sheegay wareegtada, xubnaha wasiirrada ah waxaa loo xil saaray inay hoggaamiyaan oo isku dubbaridaan hawlaha la xiriira dib-u-heshiisiinta, nabadda iyo xallinta khilaafaadka, isla markaana ay gacan ka geystaan hirgelinta go’aannada kasoo baxa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta.
Odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahannada iyo bulshada rayidka ah ee guddiga ka tirsan ayaa iyaguna door ku yeelanaya fududeynta dib-u-heshiisiinta, isu soo dhawaynta dhinacyada is haya, dhiirrigelinta nabadda iyo talo-siinta guddiga si loo gaaro dib-u-heshiisiin waarta.
Guddiga ayaa sidoo kale kaashan doona odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed si loo xoojiyo dadaallada dib-u-heshiisiinta.
Waxaan la ogeyn sida ay uga soo jawaabi doonaan Mas’uuliyiintii hore ee Koonfur Galbeed ee taabacsan Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Cabdicasiis Laftagareen oo bilihii lasoo dhaafay dagaalo toos ah ku qaadayay magaalada Baydhabo.
