Saturday, September 19, 2026

Xasan Sheekh Oo Muqdisho ku Daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Somaliya

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).

Shirka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ganacsato, maamuleyaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Dawladaha bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya, ayaa lagu gorfeeyay fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed ee dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.