CNN, Politico iyo MS Now oo ah saddex warbaahin oo Mareykan ah ayaa sheegay in ay dacwad ku oogayaan maamulka trump kaddib markii wariyayaashooda loo diiday in ay galaan Aqalka Cad.
Mr. Trump ayaa jimcihii ku dhawaaqay in uu ka mamnuucayo wariyayaasha saddexdaas hay’adood in ay soo galaan Aqalka Cad isagoo ku eedeeyay in ay faafinayaan “xogo been abuur ah” oo ku saabsan maamulkiisa.
Saddexda warbaahin waxay sheegeen in wariyayaashood loo diiday in ay galaan Aqalka Cad Sabtigii iyadoo laga qaatay kaararkii aqoonsiga kaddib markii laga horjoogsaday in ay galaan dhismaha.
Qoraal wadajir ay u soo saareen saddexdaas hay’adood ayey ku sheegeen in ay tallaabo sharci ah qaadayaan si ay u “ilaaliyaan xuquuqdooda ku xusan dastuurka, una difaacaan in aanay shaqada dowladda aheyn in ay go’aamiso waxa ay warbaahintu tabineyso ama daabaceyso”.
Mamnuucidda Trump laguma xusin arrin cayiman oo ku saabsan sababta wariyayaasha loogu diiday Aqalka Cad. Madaxweynaha Mareykanka wuxuu kaloo sheegay in “warbaahino kale lagu darayo”
