Tuesday, September 22, 2026

Trump Oo Shaaciyay In Wada-hadalo New York ku Yeesheen Madaxda Iraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa waxyar ka hor shaaca ka qaaday in Mareykanka iyo Iiraan ay wada-hadallo saddex saac qaatay maanta ku yeesheen New York.

Trump ayaa si kooban uga hadlay kulankii waxyar ka hor soo dhammaaday ee ay yeesheen Mareykanka iyo Iiraan. Wuxuuna yiri ;“ Kulanka wuxuu ahaa mid miro-dhal ah… waxaana rajeynayaa in waqti dhow kulan kale inuu dhaco.”

Trump ayaa intaasi ku daray;“Xiriirka Iiraan iyo Mareykanka wuxuu u muuqdaa inuu sii hagaagayo.Waxaan aaminsanahay in heshiis ama xal laga gaari doono arrinta Iiraan.”

Trump ayaa sheegay in kulankan Iran lala yeeshay ay goob-joog ka ahaayeen Jared Kushner iyo Steve Witkoff iyo dhinaca Iiraan.