Wednesday, September 23, 2026

Booliiska Waqooyi Bari Oo Gacanta ku Dhigay Maxbuus ka Baxsaday Jeelka Laascaanood.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Booliiska Dowladda Waqooyi Bari ayaa hadda gacanta ku dhigay maxbuus ka baxsaday Jeelka Dhexe ee Laascaanood.

Ninkan ayaa kamid ahaa maxaabiista ka soo jeeda Waqooyi Galbeed ee ku xidhnaa Jeelka Laascaanood, waxaana la sheegay inuu ka baxsaday xabsiga ka hor inta aysan ciidamada ammaanku dib ugu soo qaban.

Ciidamada Booliiska ayaa hawlgal ay sameeyeen ku guulaystay inay maxbuuska dib u qabtaan, iyadoo hadda lagu soo celiyey gacanta hay’adaha amniga.

Faahfaahin dheeraad ah iyo xogta ku saabsan sida uu uga baxsaday xabsiga iyo goobta lagu Aqabtay ayaa la filayaa inay baahiyaan goordhow Taliska Booliiska Waqooyi bari.