Wednesday, September 23, 2026

Baarlamaanka Somaaliya oo laalay Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee Agaasime-waaxeedyada

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laalay wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo la xiriirtay habka loo magacaabayo agaasime-waaxeedyada hay’adaha dowladda, sida uu sheegay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sheegay in go’aanka lagu laalay wareegtada uu yimid kaddib dood ay xubnaha baarlamaanka ka yeesheen soo jeedin ay sameeyeen Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka.

Waxa uu sheegay in guddigu uu soo jeediyay in wareegtada la laalo inta laga shaqeynayo shuruucda kale ee la xiriirta shaqaalaha rayidka ah, gaar ahaan xeerarka nidaaminaya magacaabista iyo maamulka shaqaalaha dowladda.

“Guddiga Arrimaha Bulshada, iyagoo la kaashanaya sharciyaqaanno dowladda ah iyo khubaro, ayaa arrintan ka shaqeeyay, waxaana Golaha Shacabka maanta dood ka yeeshay wareegtada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Abshirow.

Sida uu sheegay, baarlamaanka ayaa ugu dambeyn cod u qaaday soo jeedinta ah in wareegtada la laalo, waxaana oggolaatay 132 xildhibaan, halka laba xildhibaan ay diideen, laba kalena ay ka aamuseen.

Abshirow ayaa sheegay in natiijada codbixintu ay ka dhigan tahay in wareegtadii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha aanay sii shaqeyn karin, isla markaana hay’adaha fulinta loo gudbin doono go’aanka Golaha Shacabka.

“Waxaan filaynayaa in hay’adda fulintu ay arrintan ku degdegtay,” ayuu yiri Abshirow, isagoo intaas ku daray in loo baahan yahay in la dhammeystiro shuruucda nidaamineysa shaqaalaha rayidka ah ka hor inta aan la qaadin tallaabooyin cusub oo ku saabsan agaasime-waaxeedyada.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay la xiriirto baahida loo qabo in marka hore la waafajiyo xeerarka shaqaalaha rayidka ah dastuurka cusub iyo shuruucda kale ee dowladda.