Thursday, September 24, 2026

Farmaajo Oo Xasan Sheekh Weeraray ugu-na Baaqay Wada-hadal iyo Heshiis siyaasadeed

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu qaado tallaabooyin siyaasadeed oo ku dhisan wada-hadal iyo tanaasul, si looga gudbo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Farmaajo ayaa warqad furan u diray madaxweyne Xasan Sheekh, xilli madaxweynuhu ku sugan yahay New York oo uu ka qaybgalayo shirka 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo ku sheegay in Soomaaliya ay marayso marxalad xasaasi ah oo dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada ah.

Waxa uu sheegay in warqadaha ay Puntland iyo Madasha Mustaqbalka u direen Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka ay muujinayaan heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in afarta tiir ee uu sheegay inay saldhig u ahaayeen dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya ay yihiin dastuur lagu heshiiyey, dhammaystirka hannaanka federaalka, doorashooyin xilligooda ku dhaca iyo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Farmaajo waxa uu Xasan Sheekh ugu baaqay inuu hormuud ka noqdo wada-xaajood qaran oo ku dhisan tanaasul, isaga oo sheegay in heshiis siyaasadeed laga gaaro doorashooyinka uu muhiim u yahay in dalka looga gudbo hubanti la’aanta siyaasadeed.

“Waxaa lagama maarmaan ah in muddo kooban gudaheed ay qabsoonto doorasho loo dhan yahay,” ayuu ku yiri warqadda, isaga oo ku baaqay in Soomaaliya laga saaro waxa uu ku tilmaamay marxaladda jahawareerka siyaasadeed.

Warqadda Farmaajo ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada uu sii xoogeysanayo, iyadoo Puntland iyo Golaha Mustaqbalka ay Golaha Ammaanka u gudbiyeen cabashooyin la xiriira khilaafka siyaasadeed, nidaamka federaalka iyo arrimaha amniga.

Farmaajo ayaa sidoo kale Xasan Sheekh ugu baaqay inuu tixgeliyo xaaladda amni ee dalka, khatarta Al-Shabaab iyo isbeddellada siyaasadeed ee gobolka iyo caalamka, isagoo ku boorriyay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.